Muqdisho, 28 September 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Tababar usoo xeray cutubyo ka tirsan Ciidamada Ilaalinta Deegaanka Xamar, oo muddo sedex bilood ah tababar ku qaadanaayay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Kaahiye.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, Ururka Haweenka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa ku dheeraaday Ahmiyadda ay Ciidamada Ilaalinta Deegaanka Xamar leeyihiin iyo baahida loogu qabo Caasimadda Muqdisho, asigoona sheegay in Ciidamadaan ay noqon doonaan kuwo dar-dargeya shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horeeyaan Faaya-dhowrka, sare u qaadida Dhakhliga, Nadaafada, Bilicda Caasimadda, Anshaxa iyo adeegyada kale ay u baahan yihiin Bulshada Caasimadda.
—— DHAMAAD ——



















































