Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhawayd uu halkaas gaaray Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow, waana safarkiisii ugu horeyay tan iyo markii la magacaabay maalmo ka hor.
Taliyaha oo ay wehlinayaan saraakiil Mareykanka ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay aagga degmada Galcad halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale booqday saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka magaaladaasi oo kamid ah goobaha ay sanadaha badan heysteen kooxda Al-Shabaab, balse haatan laga fara maroojiyay.
Sidoo kale waxa uu faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inoo dhawaan billowdo, waxaana qorshuhu yahay in
Nairobi