Taliyaha Taraafikada ayaa ka hadlay Shilkii  galabta ka dhacay Maaalada Muqdisho kadib markii gaari xamuula uu ka dul dhacay baabuur nuuca dadweynaha ah.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Korneyl Muuse Kheyr oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo Kunteener saarnaa uu ku dul dhacay gaari PL ah oo noociisu yahay Home ama Caasi.

“Darawalka Gaariga oo ka badbaaday shilka wuxuu noo xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen afar qof, kuwaas oo dhamaantood dhintay, hadda ayaan meydka kasoo saarnay gaariga, walina waan xaqiijinaynaa haddii ay jiraan dad kale oo waxyeello kasoo gaartay shilka, madaama aan ku howlanahay gurmadka,” ayuu yiri taliye Muuse Kheyr.
May be an image of 3 people, lighting and crowd
Previous articleDowlada oo sheegtay in ka badan 80 Alshabaab ah lagu dilay howlgalo ciidamadu fuliyeen
Next articleSarkaal Booliiska Somaliland ka mida oo loo xirey war baraha bulshada qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here