HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Sarkaal Booliiska Somaliland ka mida ayaa lagu xirey Magaalada Hargaysa kadib markii baraha bulshada uu qabsaday warbixinta sheeko dhacday uu isagu faahfaahiyay balse hore maamulku u beeniyay.

Waxaa loo maleynayaa in masuuliyiinta Somaliland dhinsadeen hadfalka sarkaalkaasi oo aad u faafay.

Advertisement

Sarkaalkaan oo ah Gaashaanle dhexe Csalaan Caydiid Cumar (Diinqale) ayaa isagoo dad shacaba u sheekeynaya wuxuu soo qaatay sheeko ka dhacday Hargeysa taasoo ahayd in nin ka mida Taksiileyda Hargeysa ay xaaskiisa dhiig u baahatay kadibna uu u wacday saaxiibadiis isku shaqada yihiin.

Isbitaalkii markii ay tageen oo dhiigoodii la baaray ayaa dhamaantood laga helay cudurka AIDS-ka markii dhaqaatiirtu weydiisay waxa kuligood looga wada helay waxay si cad u sheegeen in haweeney ajanabi ah ay ka wada qaadeen.

Sarkaalkaani Booliiska oo taliye dhowr marna soo noqday hada wuxuu u xiran yahay maxaad ula wadaagtay bulshada warbixinta nuucaasi ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Diinqale oo sheekada ka sheekeynaya

Previous articleTaliyaha Taraafikada oo ka hadlay shilkii ka dhacay isgoyska Jubba
Next articleCiidamada Dowlada iyo Jubaland oo howlgal isla fuliyay+SAWIRRO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here