DHOOBLEEY (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xooga Dalka Somalia iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa wada-jir u fuliyay howlgal ka dhan Alshabaab.
Howlgalkaan oo socday sedex maalin ayaa laga fuliyay tuulooyin hoos taga Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Milatariga Dowlada Somalia iyo jubaland ayaa saxaafada la wadaagay inay guulo ka gaareen howlgaladaasi.

Advertisement

Fariisimihii kooxda Alshabaab ee howlgalka laga fuliyay ayaa gabi ahaanba cagta la mariyay sida Saraakiisha Ciidanadu sheegeen.

Tuulooyinka howlgalada laga fuliyay waxaa ka mida Varwaaqo ,wadajir,dhagax iyo kuwo kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSarkaal Booliiska Somaliland ka mida oo loo xirey war baraha bulshada qabsaday
Next articleWasiir Fiqi oo amaanay ciidamafa xasilinta Xamar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here