Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay la affray qaar ka mida Ciidamada xasilinta Xamar ee Booliis Milataariya.

Ciidamadaan ayaa fariisin ku lahaa duleedka Muqdisho gaar ahaan dhanka koonfureed waxaana wehlinaayay wasiirka masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Advertisement

Wasiir Fiqi Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebok ayaa sidan u qornaa:-

Ciidamadeena xasilinta caasimadda waxay ku astaysan yihiin soo celinta amniga caasimadda sanadkii labaad, waxayna hadda hawlgalkoodii u rareen hareeraha caasimadda.

Sharaf bay Inoo ahayd galabtey in aan geesiyaasha ciidamada xasilinta caasimadda aan kula afurno duleedka caasimadda MUQDISHO ayagoo waajibaadkooda qaran gudanaya.

Ciidmadeena mujaahidiinta ah waxay mudan yihiin dhiiragelin iyo u mahadcelin, waxay hayaan shaqo qaran tan ugu weyn, dhafar, dhaxan iyo cadceedba waxay ugu jiraan difaaca dadkooda.

Previous articleCiidamada Dowlada iyo Jubaland oo howlgal isla fuliyay+SAWIRRO.
Next articleNin tooreey ku laayay dad badan Dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here