Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dalka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ee la xiriira dardargelinta howlgalladaas.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in aanay Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya kusii tiirsanaan Karin Ciidamo shisheeye, dhabbaha looga gudbi karo arrintaas ayuu ku tilmaamay in la xaqijiyo guullaha ciidamadu gaarayaan.

Advertisement

Madax iyo shacab ayuu wadajir ugu baaqay in loosoo wada jeysto ka gungaarista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka lana gaarsiiyo deegaannada kale ee abaabulka xooggan uu ka socda waa sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta socota ee dagaalka ma ahan mid siyaasad ama dhaqaale mid laga raadin karo toona ma ahan, waa arrin jiritaankeenna ku xiran, waxa aan rabaa in aan ciidankeenna ku bogaadiyo kuna dhiirrageliyo in ay sii wadaan howlgallada, haddii aan lagu baraarugin qarannimadeenna ayaa khatar galeysa, Dowladda waa in lagu garab istaago dagaalka ka dhanka ah Cadawga oo kama maarmi doonno ciidamad shisheeye haddii aan ka guuleysan cadawga” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada hoostaga ayaa dhowaan hooska ka xariiqay taageerista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo deegaanno & degmooyin kala duwan looga qabsaday tan iyo markii uu billowday.

Previous articleDagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Sanaag oo sababay dhimashada ugu yaraan 20 ruux & dhaawaca Dad intaas ka badan.
Next articleMW Muuse Biixi oo Degmada Oog kula kulmaya Ciidanka Somaliland ee Laascaanood laga qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here