Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersan tahay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso isbedelada dhanka siyaasadda, waxaana ay beesha caalamka ka codsatay in ay kaalmo gaarsiiso dalka.

Wakiilka joogtada UK ee QM, Barbara Woodward ayaa hadalkan ka sheegtay shirka Golaha Ammaanka  oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku ammaantay warbixintii uu golaha siiyay.

Advertisement

Danjiraha boqortooyada Ingiriiska waxay soo dhawaysay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Xasan Sheikh isbedellada siyaasadeed, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta waxbarashada.

Danjire Woodward waxay carrabka ku adkeeysay in lagama maarmaan ay tahay in la helo hannaan loo dhan yahay oo wadatashi ah oo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka.

Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada oo ay ku jirto Puntland inay si wax ku ool ah uga qayb-qaataan dowlad dhiska dalka.

Previous articleWararka xamaasada leh ee Kylian Mbappe oo ku biiray Real Madrid
Next articleJubbaland oo Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo geyneysa Gobolka Gedo iyo xiisad ka dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here