Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Gaadiidka dagaalka  ayaa la filayaa in dhawaan la geeyo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa degaanka oo diidan in Ciidamo katirsan Jubbaland tagaan Gobolka Gedo.

Warraka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo uu horkacayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ay Magaalada Kismaayo kasoo gelbin doonaan Ciidamo katirsan kuwa Kumaandooska DANAB, isla markaana ay keeni doonaan Magaalada Afmadow si ay ugu sii gudbaan Gobolka Gedo.

Advertisement

Taliyaha Ururka 9aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow Mahad Maxamed Islaam ayaa sidoo kale Ciidamadaas geyn doona degmada Dhobleey, si loo sii geeyo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland.

Mahad Maxamed Islaam ayaa ka soo galbiyay Afmadow Isaga oo keenay magaalada Dhoobley waxaana lo sii gudbindonaa degmada Ceelwaaq gobalka Gedo, si halkaasi ay kaga soo baxaan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan iyo mas’uuliyiintii Gobolkaas ay u magacaawday dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo diidan in Ciidamada Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaas ka howlgalaan Gobolka Gedo.

Previous articleUK oo ku boorisay beesha caalamka inay taageero caalami ah siiyaan Soomaaliya
Next articleSAWIRO:- Kulamo xal loogu raadinayo Shaqaaqadii Baraawe oo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here