Xafiiska UNSOM ee taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sedex diyarad waxay ugu deeqeen Taliska Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Burindi ee ka howlgala Dalka Soomaaliya.

Sedexda Diyaaradood ayaa ah nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan heylakobtarada waxaana loogu talo galay inay ku caawiyaan ciidamada Dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jira dagaalyahanada Alshabaab.

Advertisement

War qoraal ah oo ay UNSOM soo dhigtay bateeda X ayaa lagu cadeeyay deeqdaan diyaaradaha oo ay si rasmi ah ugu wareejiyeen ciidamada Burindi ee Somaaliya ka howlgala.

Waxay xuseen waxtarka diyaaradahaani u leeyihiin howlgalka Atmis ee Soomaaliya.

Nuucyada Diyaaradahaan ayaa lagu kala sheegay ee Mi-8 iyo Bell 412 kuwaasoo Qaramada Midoobe ogolaaatay in loo isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Ashabaab gaar haan loo adeegsado daabulida ciidamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxaweyne Xasan oo kulan la qaatay taliska Mareykanka ee Afrika
Next articleXamaas oo Caawa sii deysay Laba ka mida Maxaabiista Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here