Gaza (dayniiile.com)-Xoogagga Xamaas ee reer Falastiin ayaa Caawa iska sii daayay laba ka mida maxaabiistii ay ka haysteen Israa’iiliyiinta.

Sida ay ku sheegeen war ay siiyeen warbahinta labada la heyste ayay sheegeen inaysan wax madax furasho ka qaadan Yuhuuda  ama aysan ku badalin dad kale.

Advertisement

Xamaas waxay sheegeen inay si bini’aadanimo ah u sii daayeen madaama ay yihiin dad waayeelo ah kuwaasoo labaduba ah Dumar.

Afhayeen u hadlay Xamaas oo warkaan caawa shaaciyay ayaa magacyada labada haween iyo da’doodaba ku kala sheegay Nurit Cooper 79 iyo Yocheved Lifshitz oo 85 jir ah.

Maxaabiistaan waxay xamaas gacanta ku hayeen tan 7-dii bishaan Oktobar oo ay ku soo qafaashen weerarkii taariikhda galay ay ku qaadeen gudaha Yuhuuda, halkaasoo sidoo kale ay ku soo dileen in ka ba badan kun Israa’iiliyiin ah.

Si kastaba Maxaabiistaan waxaa ku caawiyay inay caawa Gaza ka anbabaxaan una safraan dadkoodii hay’ada laanqeyrta cas oo fududeysay u kala dabqaadka labada dhinac.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleUNSOM oo diyaarado heyla-kobtaro ah ugu deeqday Ciidamada ATMIS+SAWIRRO
Next articleDowlada Shiinaha oo sheegtay in Israa’iiliyiintu  xaq u leeyihiin inay is difaacaan. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here