Warar dheeraad ah ayaa ka soo kordhay diyaaradii UN-ka ee shalay u gacan gashay Kooxda Alshabaab xili saacidihii ugu danbeeyay warar badan ay ka soo baxayeen.

Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya oo maanta ka hadlay arinta diyaaradaasi ayaa xaqiijiyay in wax shaqaale ah aysan ka saar-neyn diyaaradii Alshabaab u gacan gashay kaliya waxay leeyihiin diyaarada.

Advertisement

Sidoo kale wararka la helaayo ayaa sheegaya in dadka diyaaradda saarnaa ay ahaayeen 9 ruux oo 4 ka mida u dhasheen dalka Ukreyn halka 5-ta kale ay u dhasheen Afrika.

Idaacada BBC-da ayaa sidan u kala dhigtay  9-ka ruux  Askari Soomaali ah, kalkaaliso Yuugaaandhays ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

Wararkii sidoo kale la helay waxaa ka mid ahaa in Askariga Somaaliga ah iyo Gabadha Ugaandheska ah ay baxsadeen,sidoo kale dhaqtarka masaarida ahna la dilay halka inta kale ay wateen alshabaab,

Shaqada inta badan diyaaradaani waxay u qabataa Dowalada Soomaaliya mana jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Dowlada marka laga reebo inay xaqiijiyeen diyaaradaasi inay cilad soo wajahday darteed ugu gacan gashay Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous article76 jir Kenyaan ah oo Tooreeya lagu dilay
Next articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here