NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wadad isku xirta Nayroobi iyo Gobolada waxaa Saaka ka dhacay laba dhacdo oo xanuun badan  kadib markii halkaasi ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux.

Dhacdada koowaad waxaa ku dhintay 5 ruux markii bas ay la socdeen uu qaaday daadad ka dhashay roobab waa weyn oo Kenya ka da’ay.

Advertisement

Warar kale ayaa sheegaya in 5-ta ruux aan dhimasho lagu hubin balse la waayay loona xisaabinayo dhimasho.

Baska sida muqaalka aad ka arki kartaan waxaa harqjyay biyaha laakiin gurnad ay sameeyeen Booliiska ayaa inta badan dadka looga soo daad gureeyay baska.

Guud ahaan 51 ruux ayuu siday basku waxana biyuuu qasdeen 5 kuwaasoo wali la baadi goobayo.

Dhacdada kale ayaaa ah shil ka dhacay Nukuru County markii ay isku dhaceen gaari nuuca Mataatu-ga loo yaqaan iyo gaari tareel ah.

Shilkaasi waxaa ku dhintay 7 ruux kuwasoo baska saarnaa badankood,waxay ahayd dhacdo kale oo naxdinteeda leh.

Soomaalida Kenya waxay ka mid yihiin dadka ugu badan ee wadadaan ku safra ,sidoo kale gaadìidka safarkana iyagaa leh in badan oo ka mida.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleHoobiyayaal xalay ku dhacay nawaaxiga Madaxtooyada
Next articleDowlada Somalia oo ku celisay mar kale inay Safiirka Itoobiya ka eryeen Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here