Waxaa socda qorsha xoogan ay wadaan maamulka Damajadiid uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kaa oo doonayaan in ay gacanta ku dhigaan maamul Goboleydyada si ay mar kale ugu soo noqdaan Hogaanka Dalka Soomaliya oo loo arko jaanis

Advertisement

Hadaba waxaa socda qorsho xoogan ay wado Dowlada federaalka uu garwadeenka ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud kaa ay rabaan in ay xoog uga tiiraan Madaxweyne Qoor Qoor oo waqtigiisa gaabisiga yahay taa oo jirtana heysan awood ciidan u qaas ah

Hadaba qorsha koiwaad ayaa ah in Dhuusamareeb la geeyo ciidamo xoogan oo ka socda maamulka Xasan Sheikh kuwaas oo gacanta ku dhigi doono dhamaan magaalada u ah Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb

Dowlada Federaalka ayaa dooneysa in xukunka Galmudug laad uga tuuraan Qoor Qoor iyagoona doonayo in ay ku fadhisiyaan Taliyaha Nabad sugida xiligaan Mahad Salaad madaama loo arko gacanta Midig ee Madaxweyne Xasan Sheikh

Arintaan ayaa waxaa ka jira qilaaf u dhaxeya Damajadiid iyo Daljir oo hada ah labada xusbi ee heysta awooda Dowlada Federaalka

Qilaafka ayaa laga yabaa in uu soo shaac baxo maal maha soo socda iyadoo Daljir ay ku doodeysa in Damjadiid hada heysato Hogaanka Dalka hadana loo baahan yahay in xukunka Galmudug lagu wareejiyo Daljir

Previous articleReal Madrid ma awoodo inay u ogolaato Kylian Mbappe inuu u dhaqaaqo Saudi Arabia iyada oo aan loo eegin wax balan qaad mustaqbalka ah
Next articleWARGELIN UJEEDDO: WARGELIN LA XIRIIRTA WAX KA BEDDELKA SANNAD DUGSIYEEDKA 2023-2024

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here