WARGELIN

UJEEDDO: WARGELIN LA XIRIIRTA WAX KA BEDDELKA SANNAD DUGSIYEEDKA 2023-2024

Advertisement

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, oo fulinaya warqadda summadeedu tahay WWH&TS/XW/114/07/2023 ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, gudanayana waajibaadkiisa, waxa uu ku wargelinayaa maamullada dugsiyada iyo hay’adaha waxbarashada Gobolka Banaadir in wax ka beddel lagu sameeyay sannad dugsiyeedkan 2023-2024.

Sannad dugsiyeedkan ayaa furmi doona 2da Sebtembar 2023, waxa uuna xirmi doona 6da Juun, 2024.
Sidoo kale waxaa kale oo la kordhiyey maalmaha dhigashada casharada oo laga dhigay 6 maalmood (Sabti ilaa Khamiis) ee asbuuca si loo dhamaystiro Manhajka.

Haddaba, Agaasinku wuxuu ku wargelinayaa dhamaan maamullada dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta, ardayda iyo bulshada Gobolka Banaadir inay dhaqan-geliyaan wax ka beddelka lagu sameeyey jadwalka Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here