Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa galabta si buuxda ula wareegay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah goob aad u muhiim ugu aheyd Al-shabaab, degmada Ceelbuurna u jirta 46km.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen Wabxo iyo deegaano kale, kuwaasoo in muddo ah Al-shabaab ay gacanta ku heysay.

Advertisement

Ciidamada ayaa hadda ka wada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .

Al-shabaab ayaa isku dayay inay difaacdaan magaalada, waxaana meel 8-km u Jirta wabxo ka dhacay dagaal kaasoo ugu dambeyn looga taag roonaaday.

Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ayaa gulufkaan cusub ee hadda socda waxa ay xoogga ku saareen sifeynta keymaha iyo dhulka hawdka ah ee ku teydsan jidadka la isaga gudbo goballada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ahaa gabbaadyo muhiimka ah oo ay argagaxisadu ku talogalayeen inay isugu geeyaan awoodooda, marka laga soo saaro magaalooyinka ay hadda ku hareen.

Istiraajiyada howlgalkan ayaa loogu talogalay in cuddudda argagaxisada lagu wiiqo dagaallo toos ah oo duurka lagula galayo, si hal mar loogu wada jebiyo duur iyo deegaannaba, loogana wada saaro goballada Dhexe.

Howlgalladii hore ee magaalooyinka badan lagu soo xoreeyay ayaa waxa barbarsocday halista weerarro waxyeello badan geystay oo ay argagaxisadu ku soo qaadi jirtay deegaannada ay marka hore isaga baxdo. Waxayna taas ahayd dhaliil weyn oo dadka arrimaha milatariga yaqaana ay u jeedinayeen qorshaha dagaal ee dawladda.

Previous articleMudo 16 maalin ah madaxweyne HSM Waxuu ku sugnaa Magaalada dhuusamareeb waxaa socday dadaalo ku aadan qaabkii loo wajihi lahaa xoreynta Deegaanada Galmudugta/Bari
Next articleTrump oo sheegay in dhowaan la xiri doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here