Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Al Jazeera in Madaxweynaha Mareykanka Biden uu ku dhawaaqi doono dhismaha Deked gargaar loogu gaarsiiyo reer Falastiin taasoo laga hir gelinaayo xeebta Gaza.

Xafiiska bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil ay ogolaatay lix ka mid ah 24-kii hawlgal ee gargaar ee ay doonaysay bishii hore.

Advertisement

Wafdiga Xamaas ayaa ka dhoofay Qaahira iyadoo sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in Israa’iil ay fashilisay dhammaan isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu doonayay in heshiis lagu gaaro.

Koonfur Afrika waxay codsatay tallaabo dheeri ah, amar xabbad-joojin degdeg ah oo ka timaada Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si looga hortago macluusha ka jirta Gaza.

Ugu yaraan 30,800 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 72,198 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleYaa soo xulaya xubnaha Soomaaliya ee baarlamaanka Bariga Afrika?
Next articleXamaas oo shaacisay in Israa’il fashiliyeen heshiiskii la doonayay ee xabad joojinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here