Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in Israa’iil ay fashilinaysay dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayeen Qatar iyo Masar, intii lagu guda jiray afar maalmood oo wadahadal ah oo ka socday caasimadda Masar ee Qaahira.

Abu Zuhri waxa uu sheegay in Israa’iil ay diidayso dalabaadka Xamaas ee ah in ay soo afjarto duullaanka ay ku hayso deegaanka, in ay ciidamadeeda kala baxdo, oo ay hubiso xorriyadda gelitaanka gargaarka iyo soo celinta dadka barakacay.

Advertisement

Xamaas ayaa sheegtay in wafdigoodu uu ka ambabaxay dalka Masar, balse wadahadallada xabbad joojinta ee Marinka Gaza ayaa socon doonto toddobaadka soo socda illaa heshiis laga gaaro Israa’iil.

Sidoo kale Xamas waxay sheegeen  in Israa’iil  fashiliyeen isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee ahaa in heshiis la gaaro ka hor bisha barakaysan ee Muslimiinta. Ramadaan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWararkii ugu danbeeyay xaalada Gaza
Next articleBest coffee machines 2024: Our expert’s favourites

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here