Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadka soo socda bilaabaya kulamo uu Muqdisho kula yeelanayo xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka midka ahaa Isbaheysigii Midowga Musharaxiinta ee uu xubinta ka ahaa xilligii Mucaaradka ku ahaayeen dowladdii hore.

Waxaa maalmaha soo socda Muqdisho tagaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka qeyb geli doona kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday siyaamileyda siyaasadda.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh ayaa ka codsaday inuu isugu yeero kulan uu la qaato xubnaha saamileyda siyaasadda si ay dood iyo aragti wadaag uga yeeshaan heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Xubnahan Siyaasiyiintan ayaa war ay si wadajir u soo saareen waxay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodobada heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa hannaanka la rabo inuu dalka u guuro ee ah nidaamka Madaxtooyada iyo in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi.

Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa soo dhaweeyay oo kaliya Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo oo u muuqday mid taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod lagu galo nidaamka Xisbiyada, inkastoo qodobada qaar uu ku xiray in wadar-oggol loo galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here