1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Norway Mudane Andreas Kravik.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Sii-Hayaha Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya A. I. Dixon.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madasha Diblumaasiyadda Antalya ka sheegay in xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya ay uu wiiqaso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.
6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee magaalada Nairobi.
7- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Horumarinta Soomaaliya Marwo Hodan Osman.
8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wadatashiga guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadley arrimaha dastuurka.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray hawlgelinta Maxkamadda iyo Xabsiga cusub ee Muqdisho.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Sir Philip Barton.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya.
13- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan casho ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliya ee magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
14- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley aaska iyo kulan duco oo Jasiiradda Zanzibar loogu sameeyay Allah ha u naxariistee Al Xaaji Sheikh Ali Hassan Mwinyi oo ahaa Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Tanzania oo dhowaan geeriyooday.
15- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo u tartameysa xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika.
16- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macakllim Fiqi ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Djibouti.
17- Odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal ee gobollada waqooyi ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha Soomaaliya.
18- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin buuxda uga noqotay Ururka goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.
19- Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka dib u habeynta maaliyadda, dayn cafinta kadib oo ay la yeesheen hay’adaha lacagta adduunka.
20- Wasiirka Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in 50 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab lagu dilay hawlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.
21- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi iyo Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Hay’adda Inter Peace, Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka booqasho shaqo ku joogay.
22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa qaabilay Xoghayaha Guud ee Arrrimaha Galbeedka Aasiya, Waqooyiga iyo Bariga Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee India Dr Sureh Kumar.
23- Maalinta Haweenka ee 8da Maarso oo laga xusay Soomaaliya.
24- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda InterPeace ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad la xiriira nabad-dhiska.
25- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Maxamed oo kulan la yeeshay Agaasimaha FAO ee Soomaaliya Mudane Etienne Peterschmitt oo ay ka wadahadleen iskaashiga mashaariicda horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.
26- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayey xoojinta amniga magaalada Muqdisho.
27- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay shixnad gargaar cunto ah.
28- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay Degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyagoo fashiliyay weerar gaadmo ah oo argagixisadu maleegayeen.
29- Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in la xiray askar ka tirsan dowladda oo ku eedeysan inay rasaas ku fureen dad ku banaanbaxayey Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaanka Cali Yabaal ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
==============DHAMMAAD==============
Previous articleWasiiru Dowlaha Maaliyada oo Turkey uga qeybgashay shirka Iskaashiga Ganacsiga+SAWIRRO
Next articleNinkii Mareykanka ku dilay Imaam Sh.Maxamed Xasan oo la xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here