Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 06/03/2024 ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah:

Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka.

Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib.

Haddaba si loo saxo dhammaan khaladaadka aan kor kusoo xusnay Wasaaraddu waxay samaysay System casri ah, System-kaas oo faraya shirkadaha Diyaaradaha:-
1. In System-ka ay kusoo gudbiyaan, nooca Diyaaradda ay isticmaalayaan si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay haysato Diyaarad badqabta oo ay Rakaabka ku qaadi karto, sidoo kalana loo xaddido tirada Tikidhada ay diyaarad waliba qaadi karto.
2. In ay system-ka kusoo gudbiyaan Xogta Rakaab-ka ay qaadayaan, si ay hay’adaha amnigu u hubiyaan.

Haddaba; Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay kaddib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda, kana hor yimaadeen fulinta system-ka loo dajiyay iyaga oo diidaya in ay saxaan khaladaadka aan kor kusoo sheegnay.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u xaqiijineysaa shacabka soomaaliyeed inay ka hor-tegi doonto wax kasta oo dib u dhac u keeni kara Safarkooda iyadoo Wasaaraddu ay la xisaabtimi doonto shirkadahii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca.
May be an image of text
Previous articleWasiirka Maaliyada oo Bangiyada Caalamiga ah kula kulmay Nairobi +SAWIRRO
Next articleWadamada ugu qanisan iyo kuwa ugu saboolsan Afrika sanadkaan iyo Soomaaliya halka ay ku jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here