Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah kula yeeshaday Masuuliyiinta Dalalka iyo Bangiyada Caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi oo uu uga qeyb galayo shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulamo doceedyo mühim ah oo gaar gaar ah la kala qaatay madaxda Ururada iyo Bangiyada taageerada Dowladda Soomaaliya sida Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Bangiga Adduun iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika.

𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐘𝐮𝐫𝐮𝐛: Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya MS. KARIN JOHANSSON iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Hon. Biixi Imaan Cige ayaa ka wada hadlay taageerada miisaniyadeed ee dalalka midowga yurub ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo qorshe yaasha lagu horumarinayo sare u qaadidda dakhliga dalka. Ururka Midowga yurub waxa ay ka mid yihiin Saaxibada joogtada ah ee garab taagan Dowladda Soomaaliya.
𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚: kulanka Bangiga Adduunka oo ay goobjoog ahaayeen saraakiisa sare ee xafiiska Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Ms. Kristina Svensson oo ah wakiilka Sooomaaliya ee Bangiga ayaa waxa ay Wasiirka Maaliyadda ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin taageeridda iyo horumarinta ganacsiyada gaarka loo lee yahay, taas oo qeyb ka noqonaysa kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐃𝐁: madaxda iyo saraakiisha sare Bangiga Horumarinta Afrika Xafiiska maamula dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa kulanka ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS waxa ay uga wada hadleen Mashaariicda horumarinees ee uu Bagigu ka fuliyo Soomaaliya ku waas oo ay ku jiraan kuwo dib-u-dhis ah iyo kuwo dib-u-haneynta Maaliyadda ah.

Kulamadaan ayaa dhammaantood waxa ay daaranaayeen horumarinta, dib-u-habenta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya oo hadda Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo gaari lahaa islu filnaan dhaqaale iyada oo la xoojinayo wax soo saarka gudaha iyo kobaca dakhliga Dowladda.
May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people, people studying, table and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and text
Previous articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay Wasiir ka socday dalka Norway+SAWIRRO
Next articleWasaarada Gaadiidka iyo duulista oo sharaxday waxay isku hayaa shirkadaha diyaaradaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here