Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa booqasho sharafeed xafiiskiisa ugu yimid mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo mudane Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara.

Advertisement

Madaxa xafiiska UNHCR ee Soomaaliya Mr. Charles ayaa Wasiir Fiqi uga warbixiyay qorsheyaashooda iyo howlaha ay fuliyaan mudadda soo socota, gaar ahaan wax kaqabashada xaaladda qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo Barakacayaasha isaga oo carabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay in si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’addeeda NCRI.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sida Wasaaraddiisu ay ahmiyadda gaar ah u siiso u ololeynta xaaladda Qaxootiga iyo sida ay ugu guulaysatay in loo helo sharci dhaqangal ah.

Waxaa kale uu hoosta ka xariiqay aragtida Wasaaradda ee wax loogu qabanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo noqonaya iyo Barakacayaasha, isaga oo kusoo gobogabeeyay in dadaal walba ku bixinayaan sidii xalwaara loogu heli lahaa Arrimaha Qaootiga, Kuwa soo noqonaya iyo Barakacayaasha.

Previous articleHay’adda Tayo-dhowrka Qaranka oo dekada Xamar ku qabatay bur dhacay+SAWIRO
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here