Muqdisuo, Arbaco, 13 March, 2024

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey ciidamo ka tirsan kumandoska Danab oo dalka Kenya uga soo qeybgaley dhoolatus milateri oo ilaa iyo 23 waddan ay qeyb ka ahaayeen.

Advertisement

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo u dabbaaldegay munaasabadda 8-da Maarso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed.

5- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaya matalaadda shacabka iyo doorashooyinka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte oo ay ka wadahadleen dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista dembiyada oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Waddada Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xariga jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo dib u dhis lagu sameeyay.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xarunta Degmada Hodan ka furay daadejinta doodaha dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Soomaaliya muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda kadib kulan uu Nairobi kula qaatay hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

13- Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska dhinaca shidaalka iyo gaaska ah iyo sida looga faa’iidaysanayo.

14- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa daah-furay madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahay iyo kan dowliga ee caafimadka.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay ka soo qeybgaleen madaxda hay’adaha OCHA iyo FAO oo looga hadlay maareynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

16- Siihayah Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraadda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Sii-hayah Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah.

19- Xoghayaha Joogtada ah ee cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

20- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay hay’adaha dowladda.

21- Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 140 hoobiyayaal ah oo Khawaarijta dooneysay inay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

22- Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

23- Ciidamada Booliska ayaa Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo sannadkii hore la goostay gaari dowladda ay leedahay, kadibna u galey Khawaarijta Al Shabab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa dilay saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Dab ka kacay qeyb ka mid Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo khasaare geystay.

26- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababbar ku saabsan maareynta dhibaatooyinka ka dhasha deegaannada laga xorreeyo Khawaarijta loogu soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

27- Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay carbis ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen.

==============DHAMMAAD==============

Previous articleWasiir Fiqi muxuu kala hadlay UNHCR+SAWIRRO
Next articleWariye goor dhaw lagu dhaawacay Cabud-waaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here