Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa  shir-gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada shakay oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee deegaanada Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda Amni iyo sida Ciidamada ay qayb lixaad leh oga qaateen sugida Amniga xili lagu guda jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan, howlgaladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada Jubaland gaar ahaan Ciidamada Jubaland ee ku sugan Degmooyinka Barsanguuni, Afmadow, Dhoobley iyo guud ahaan Degmooyinka Gedo ayuu kawar bixiyey wasiirka

Advertisement

Intii shirku socday golaha Wasiirada Dowladda Jubaland ayaa ansixiyey xeerka Booliska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Dhanka kale Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoys iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa golaha u soo jeedisay in la meelmariyo xeerkii Gudniinka Fircooniga ee ay soo gudbiyeen bishii February 2024,

Dhammaad.

Previous articleMarba hadaan Dastuurka lagu dhaqmeeyn.
Next articleDeegaanka Gubadleey oo dhistay Xarunta Maamulka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here