Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo xalay booqasho ku tegay Xaafada Gubta ee degmada Dayniille ayaa kormeeray dhismaha waddada laamiga ah ee laga hir-gelinayo deegaanka, waxuuna halkaas kula kulmay guddiga dhismaha waddada oo uga war-bixiyay shaqada socota, odayaasha iyo wax-garadka deegaanka oo kala hadlay daboolidda baahida adeegyada dowladeed ee deegaanka.

Mudane Xasan Macallin oo ay wehliyeen xildhibaan Cadar Cali Shalaqbeen iyo xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa bogaadiyay dadaallada isku tashiga ah ee bulshadu ay ku horumarineyso deegaanka, waxuuuna kormeerka kadib bulshada deegaanka kula afuray gudaha Xaafada Gubta.

Advertisement

Wasiirka ayaa bulshada deegaanka ka ballan qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso helidda adeegyada dowlaleed ee ay u baahanyihiin, si loo gaaro horumarka uu deegaanku hiigsanayo.

 

Previous articleWaa kuma ninka Soomaaliga ee noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya?
Next articleHaweeney Somaliyed oo shaqa Dowladeee ku weysay qoraal ay baraha bulshada ku qortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here