Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.

Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Advertisement

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaantahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay taa oo gacan weyn ka gesyandoonta in waqti fudud Soomaaliya lagaga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

Previous articleXamze Cabdi-Barre oo Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Ururka Bariga Afrika (EAC) +SAWIRRO
Next articleWiil uu dhalay Lafti-Nagaa oo la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here