Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.
May be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 people
Previous articleWar-murtiyeed ku saabsan ku saabsan Xiriirka Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada
Next articleTababar loo soo xirey Saraakiil tirsan  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here