Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar socday muddo labo maalmood ah u soo gabagabeesay saraakiil ka tirsan hey’adda. Tababarkaas ayaa ku saabsanaa maaraynta qulqulka dadka, xilliyada qalalaasaha ee marinada iyo bar xuduudyada dalka, waxaana ka faa’iidaystay ku dhawaad 16 sarkaal oo ka tirsan HSJ.

Agaasime ku xigeenka guud ee HSJ Xuseen Cabdullaahi Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ku dhiirageliyay saraakiisha in ay aqoonta ay kororsadeen ka dhaqangeliyaan goobaha shaqada.

Advertisement

Saraakiisha ka faa’iidaystay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin dhammadkii tababarka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa kobcinta aqoonta iyo xirfadda shaqaaleheeda, taas oo looga gol leyahay in sare loogu qaado hufnaanta iyo tayaynta adeegyada hay’addu bixiso.

Previous articleWasiirka Difaaca oo Muqdisho ku qaabilay saraakiisha Turkey ee la socday Markabka dagaalka+SAWIRRO
Next articleDekad macmal ah oo laga hir-geliyay Magaala Xeebeedka Baraawe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here