Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov , isaga oo kala hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Advertisement

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka ciribtiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here