MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee waxaa Caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed kaasoo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa caasida Dalka.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Ibraabim C/raxmaan ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan waxaana la sheegay inuu isla goobta naftu uga baxday markii ay rasaas badan ku hubsadeen.

Advertisement

Lama oga kooxda dishay waxay yihiin iyo meel ay ka tirsan yihiin walow alshabaab lagu yaqaan dilalka gaadmada ah ee masuuliyiinta lagu beegsado.

Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia iyo kuwa Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed midkoodna wali kama hadlin dilka goor dhaw oo caawada ah ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii faah-faahin ah oo ku soo kordha wararkeena danbe ayaad ka heli kartaan hadii Rabi idmo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here