Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Ku Xigeenkiisa.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Advertisement

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faah faahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 8 people, newsroom and text that says "NK GRO in NIGERIA 0 WORLD WORLDBANKGROUP BANK GROUP SOMALIA WORLDBANKGPAIIN BAN WORLD BANK GROUN Ros SOUTHAFRICA AFRICA SOUTH MORO"May be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 12 people, people studying, newsroom and text
Previous articleRa’iisulwasaare xigeenka oo xilalka uu kula wareejiyey Wasiir cusub iyo mid hore+SAWIRRO
Next articleMadaxweynaha oo kulan dhiiri gelin ah la yeeshay Orodyahan-Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here