Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay howlgallada ka dhanka ‘AS’ oo wajigiisa labaad dhowaan billaaban doonno sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan ‘Macawiisleyda’ ay guullo muhiim ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.

Advertisement

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayuu sheegay in ay dardargelinayaan sidii loo ‘AS’ looga gacan-maroojin lahaa deegaannada iyo degmooyinka weli ay ku sugan yihiin oo ay ku dhaw yihiin ciidamada howlgalka wada.

Diyaargarowga wajiga labaad ee howlgalka ay ku ballameen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya & Madaxweynaha Kenya ayuu sheegay in uu socdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso sidii muddo kooban ‘AS’ looga qabsan lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin, howlgallada socda waxa ay xooggooda ka socdaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle.

Wajiga labaad waxa ay Dowladda Tilmaamtay in diiradda lagu saarayo Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo dhul baaxad weyn weli Gacanta ‘AS’ ku jiro waxaana kamid ah Gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaan Maamusho ‘AS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here