MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib  shirar badan iyo doodo Baarlamaanku maalmihii ugu danbeeyay ka yeesheen wax ka badalka dastuurka iyo ansixintiisa ayaa waxaa soo baxaya tanaasulo ay dowladu sameyneyso marka la eego qodobada qaar ee mucaaradku dooda ka keeneen iyo waliba xildhibaanada qaar.

Isbadalada dhacay iyo tanaasulka dowalda waxaa ka mida in xisbiyada ka qeybgalaya doorashada ay noqon doonaan sadex halkii markii hore laga shaaciyay laba xisbi kaliya.
Isbadalka kale ee dhacay ayaa ah in hada ka dib muda xileedka Madaxweynaha laga dhigay 5 sano halkii uu awal ka ahaa 4 sano.

Sidoo kale Dowladu waxay ka tanaasushay in fikirkii ahaa in madaxweyne uu dalku yeesho waxaana sii jiraya in dalku yeesho Ra’iisulwasaare balse waxaa meesha ka baxay awoodii hore oo ahayd in Baarlamaanka kaliya ay xilka ka qaadi karaan balse  hada  Madaxweynaha  ayaa awood u leh inuu magacaabo Ra’iisulwasaaraha kana qaado madaama awal iska hor imaad badan uu dhex mari jirey.

Si kastaba dastuurka ka doodistiisa iyo wax ka badalkiisa wuxuu soo gaaray gabo gabo waxaana lagu wadaa in maalmaha ama saacadaha soo socda la ansixiyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleSida dakhliga Soomaaliya uu u sameeyay koboc lama filaan ah
Next articleKhasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Garasbaleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here