MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii maanta labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh  ku ansixiyeed 4-ta cutub ee Dastuurka Somalia ayaa waxaa qorantay taariikh cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka 11-aad ayaa taariikhdu u gashay ku guuleysiga inay Dastuur dhameystiran dalka u horseedeen.

Advertisement

Waxaa kale oo maanta qorantay in taariikhda markii labaad mooshin la ansixiyo iydoon hal xildhibaan xitaa diidin ama ka aamusin oo ay kuli Haa ku wada codeeyeen.

Taariikhahaan iyo guulahaan waxay sii kordhinayaan guulo uu hore Madaxweyne Xasan u gaaray sida deyn cafintii,cunaqabateyntii hubka ee nalaga qaaday iyo ku biiristii ururka Bariga Afrika.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze muxuu ka yiri ansixinta Cutubyada Dastuurka adastuu
Next articleCumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shukuur oo qaadacay ansixintii dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here