Gaza (dayniiile.com)-Kadib markii Mareykanku habeen hore codka diidmada qayaxan saaray qorshe Qaramada Midoobe ku dooneysay inay xabad joojin kaga dhaqan geliso dagaalka Gaza ayaa waxaa aad looga derinayaa xaalada nololeed ee shacabkaasi reer Falastiin.

Shacabka Gaza ku dhaqan ayaa kala barkooda waxaa looga cabsanayaa inay macluulayaan maadaama uu wali dagaalku socdo,wax soo galaaya Magaaladaasi oo gar-gaar ahna aysan jirin.

Advertisement

Agaasime ku xigeenka barnaamijka cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay Carl Skau ayaa sheegay in qatar ay ku jiraan shacabka Gaza hadii aanu iman isbadal,wuxuu tusaale u soo qaatay in 10-kii qof 9 ka mida aysan maalin kasta heli karin  cunto iyo  biyo.

Iyadoo dunida Muslimka iyo Qaramada Midoobe midkoodna uusan xiligan waxba u tari karin shacabka Gaza ayaa hadana hadalada Yuhuudu yihiin kuwo jees jees ah xili ay ku sii faanayaan xaquuqa ay shacabka ku hayaan, halka kii xabadooda ay dili weysa ay gaajo dileyso.

“dhimasho kasta iyo xanuun soo gaara qof rayid ah waan ognahay inay xanuun badan tahay, laakiin ma hayno wado aan kale oo aan ahayn inaan sii wadno dagaalka iyo xasuuqa shacabka falastiin ilaa aan danaheena ka gaarno”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Israel Lt Col Richard Hecht oo la hadlaayay shalay BBC0-da

“Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u helno inta ugu macquulsan gudaha marinka Gaza,” ayuu mar kale ku jees jeesay Afhayeenka Yuhuuda

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleBooliiska Turkiga oo mar kale amray in la soo xiro Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasabad lagu maalgashanayay Dekada Hobyo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here