Maalmihii la soo dhaafay waxaa hadal hayn dhaliyay qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya oo warbaahinta ka qirtay in ay shaqaaleysiin doonaan qarabadooda.

Advertisement

Balse taas waxaa ka horeysay in madaxweynaha qarnka uu shaqaaleysiiyay inantiisa, oo iyana hadal hayn badan dhalisay.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa qaar kamid ah madaxda caalamka ee shaqaaleysiiyay ubadkooda.

 

Waxaa hadal hayn baraha bulshada ka dhaliyay gabar uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh taas oo ku magacaaban xilka la taliyaha madaxweynaha qaranka.

Gabadhaan ayaa lagu magacabaa Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo safarro kala duwan oo uu kamid yahay shirkii Ururuka Jaamacadda Carabta u raacday madaxweynaha.

Dhanka kale Jihaan ayaa ka soo muuqatay shaashadaha iyada oo sawiro kala duwan ku wehlisa aabaheed marar kala duwan oo madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo lalahaa masuuliyiin kale oo caalami ah. Waxaa kamid ahaa shir uu New York u tagay madaxweynuhu bilowgii sanadkaan.

Mar arrintaan wax laga weydiiyay madaxeynuhu wuxuu yir: ‘Caruurta ay dhaleen madaxda dawladdu xaqooda muwaadinnimo kuma waynayaan in ay waalidkood madax yihiin’.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa isna kamid ah madaxda shaqaaleysiiyay caruurooda.

Gabadhiisa Ivank Trump ayaa u ahayd la taliye iyada oo ku lamaaneyd la taliyihii sare ee madaxweynaha Maraykanka Jared Kushne.

Ivank ayaa isaga tagtay sanadkii 2017 kii markii abaaheed xilka madaxweynenimo ku guuleystay shaqo ay horay uga haysay shirkad uu aabeheed lahaa, si ay la taliye sare uga noqo madaxtooyadii aabaheed ka talinayay.

Balse markii uu dhamaaday waqtigii Trump Ivanka sidaas ayay shaqadeedii ku dhamaatay.

Congo-Brazzavill, Denis Sassou-Nguesso ayaa wiilkiisa u magacaabay xil wasiirnimo, taas oo sababtay in warbaahinta waddankaasi ay si wayn u hadalhayso.

Sanadii 2021 kii ayuu wiilkiisa u mgacaabay xilkaan.

Madaxweynahanm oo waddankiisa ka soo qabtay xilal kala duwan inta aan shan sano aka hor loo dooran xilka madaxweyne ayaa dadku arkeen in uu ka daalay shaqada, maadaamu uu yahay 77 jir 41 sano maamulka dalka ku soo jiray.

Inkasta oo aan la hubin wiilkaan in uu la wareegi doono kursiga aabihiis, hadana tani waxay xaqiijineysaa in Congo ay kamid noqotay dhibatada maamul ee sii kordhaysa ee ka jira wadamada Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha waddanka dariska ay yihiin ee Gabon, oo lagu magacaabo Ali Bongo Ondimba ayaa isna ah wiilka Omar Bongo oo ahaa madaxweyinihii hore ee waddankaas oo xukunka hayay laga soo bilaabo 1967 dii ilaa 20019 kii, halka madaxweynaha Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo Joseph kabila uu xilka kala wareegay aabihiis Laurent-Désiré oo shirqool lagu dilay sanadkii 2001 isaga oo madaxwweyne ah.

Inkasta oo dad badan hadal hayaan arrinka shaqaaleysiinta caruurta ee madaxda Soomaalida, ayaa hadana dad sharciyada wadamada u dhuun daloola waxay qabaan in shaqaalaha rayidka ah ee joogtada ah iyo kuwa shaqooyinka gaarka ah u haya madaxda ay kala duwan yihiin. Farqiga ayaa ah in shaqalaha ay qaataan madaxweynayaashu ay shaqada ugu dambeyso marka uu dhamaado muddo xileedka madaxweynaha

Xigasha Bbcda

 

 

Previous articleXildhibaan Cabdiraxmaan Jubba oo ku geeriyooday Nairobi & Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay.
Next articleDG Koofur Galbeed oo sheegtay in ay xoogga saareyso sidii la isugu furi lahaa waddada xiriira Baydhabo & Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here