Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu maanta baaqday kulanka xildhibaanada golaha shacabka.

Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in mqdaxtooyada Soomaaliya ay ku qancisay gudoomiyaha golaha shacabka in ilaa iyo arbacada uu dib u dhigo fadhiga manata, taasoo uu aqbalay Sheekh Aadan Madoobe.

Advertisement

Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamze ayaa qabay walaac la xiriira in fadhiga maana uu ka dhalan karo mooshin ka dhan ah xukuumada, waxaana soo baxday awooda xubnaha mucaaradka ay ku leeyihiin baarlamaanka, kadib markii Sabtidii la hor-istaagay ajendihii ay xukuumada wadatay.

Ra’iisulwasaare Xamze ayaa ku dadaalayo in uu kala furfuro xildhibaanada kasoo horjeeda, taageerayaasha ayaa deegaan kasta cid looga xilsaaray.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan ayaa bilaabay lakulmida xildhibaanada qaarkood, iyadoo laga hadlayo balan-qaadyo wasiirnimo, shaqaaleysiin, safiir ama qaadashada dhaqaale.

Previous articleMaxkamada Sare ee Somaliland oo diiday codsigii tafsiirka sharci ee guddida doorashooyinku u gudbiyeen
Next articleSIYAASI FAARAX MACALLIN OO COLAAD QABIIL KU TILMAAMAY DAGAALKA LAASCAANOOD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here