Xiisad dagaal ayaa saakay laga dareemayaa furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatuma.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in labada ciidan ay madaafiic isku weydaarsanayaan bariga magaalada Laascaanood, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo.

Advertisement

Dhaqdhaqaaqydan ciidan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii maamulka cusub ee SSC Khaatumo ay ku dhawaaqeen inay si degdeg ah usoo afjarayaan xaaladda Laaacaanood ayna labada ciidan isasii horfadhin doonin.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa ciidamo horleh kusoo  daabulay jiidaha dagaalka, iyagoo ka faaidaysanaya qalalaasaha ka taagan Somaliland, kaddib markii ciidamo katirsan ay ku dhawaaqeen jabhad, kuwaas oo dagaalo kula jira Xukuumada Somaliland.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa sheegayaan in Somaliland ay kala baxday qaar kamid ah ciidamadeedii ku sugnaa farriisinka Goojecadde, iyadoo ciidamadaas ugu talo gashay inay la dagaalamaan ciidamada jabhadda.

Previous articleRa’iisul Wasaaraha KMG ah ee dalka Pakistan oo la doortay
Next articleTaliska Ciidanka DANAB oo sheegay in dagaal ka dhacay Gobolka Jubada Hoose lagu dilay xubno katirsan ‘AS’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here