Xildhibaanad Faadumo ayaa saxaafada la hadashay waxayna baafisay Sahal Maxamed Xirsi oo ah Darawalka Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Marwada waxay sheegtay ugu horeyn inay tahay Xildhibaanada ku matasha Baarlamaanka darwalka ay raadineyso ee Sahal Maxamed Xirsi.

Advertisement

“Waxaa noogu war dambeysay maalintii Farmaajo Muqdisho ka baxayay ee uu aadayay Garowe kadib lama hayo maanta ku sideed , waana maqalnay warar ku sheegaya kismaayo iyo Xamar  laakiin waan ka weynay”ayay tiri Xildhibaanada

Dowlada faderaalkq Soomaaliya ayay ugu baaqday inay ninkaasi  meel ku sheegto oo baadi goobto.

Mar wariyayaashu weydiiyeen wararka sheegaya inuu Alshabaab ku biirey ayay beenisay warkasi  xildhibaanadu,waxayna ku gaabsatay hadey jirto arintaasi inay Dowladu soo cadeyso.

Darawalka Madaxweynihi hore  Xildhibaan Maxamed Farmaajo waxaa maalmihii ugu dambeeyay baraha bulshada lagu baahinayay inuu Alshabaab ku biirey uuna ku sugan yahay  Magaalada Jilib.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleXildhibaanada oo maanta loo qeybiyay nuqulkii ugu danbeeyay ee wax ka badalka dastuurka
Next articleMaxkamada Gal-gaduud oo Maanta qofkii labaad toogasho ku fulisay +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here