Garowe (dayniiile.com)-Sida ay sheegeen qaar ka mida Xildhibaanada Puntland shalay galab waxaa xildhibaanada u soo dhacay Fariimo loogu sheegaayo inuu jiro shir degdeg ah saaka oo taariikhdu ahay 11 December.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in kulankaan la doonayo in looga hadlo go’aankii shalay ka soo baxay Maxkamada sare ee Puntland kaasoo lagu laalay mudo kororsigii xildhibaanadu sameysteen.

Advertisement

Xildhibaanadaan oo ayaa sheeegeen in Khamiista soo socota loo balansanaa kulanka ugu soo horeeya kaasoo miisaaniyada looga hadli lahaa laakiin kulankaan degdegaa saaka laga soo hormarshay,iyagoona sharci daro ku tilmaamay in xeer lagu dul furo xeer kale.

Gudoonka Baarlamaanka oo kulankaan degdegaa isugu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay inay kaga soo horjeedaan go’aanka Maxkamada lamana og in fadhigu sida ay rabaan ugu dhameystirmi doono.

Buuq siyaasadeed,is qabqabsi iyo is guruubeysiga ka jira xiligaan Puntland waxaad moodaa inuu yahay wax iska caadi mar kasta oo waqti kala guur la galo way dhacdaa inkastoo sanadkaan uu u muuqanayo kii ugu adkaa ee soo mara puntland madaama ay xitaa isla gaareen inay is dilan iyo barakac shacab.

Haddiiba uu qabsoomo kulankaan waxaa la rumeysan yahay inay ku naqdin doonaan amarka Maxkamada ayna ku tilmaami doonaan go’aan uu dani dabada ka riixayo,sidoo kale waxay  u badan tahay inay ku sii adkeystaan mowqifkooda mudo kororsi taasina waxay cirka sii gelin doontaa xiisada ka taagan Puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray suuqa laga hirgaliyay Gubad-leey+SAWIRRO
Next articleMuuqaalka baahay ee Falastiiniyiinta dharka laga dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here