Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo Garoowe ayaa sheegaya inuu socdo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay sameynayaan siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland.

Dhaq dhaqaaqyadaan oo dadka qaar uu shaki ku abuuray ayaa salka ku haya in Mucaaraka uu soo gaaray warar hoose oo sheegaya  in Gudiga xalinta Khilaafaadka Puntland  qaateen Ra’yiga Saciid Dani ee 66-ka Xildhibaan.

Advertisement

Wararku waxay tilmaamayan in Mucaaradku durba qaban qaabinayaan shir ay jawaab horu dhac ah u ku siinayaan saxaafada taasoo dareenka dadka cabsi gelin karta madaama shacabku sugayeen war kaas ka fiican.

Galabta ayaa laga sugayaa gudiga inay ku dhawaaqaan magacyada iyo tirada Xildhibaanada taasoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay.iyadoo Madaxweyne Saciid Dani daneynayo in 66 xildhibaan lagu galo doorashada halka mucaaradkuna doonayaan in la qaato taladii Isimada Puntland ee ahayd in 49 xildhibaan lagu galo doorashada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGud. Aadan Madoobe oo shir gudoomiyaya shirka Gudiyada Baarlamaanka
Next articleCiidamada Israa’iil oo afduubtay 16 dhalinyaro Falastiiniyiin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here