War uu Bogga Dayniiile.com ka helay Magaalada Mahadaay ee Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in saaka dagaalamayaasha Alshabaab si bareer ah ugu dileen deegaanka Cali-fooldheere nin shacaba oo beeraleyna ahaa.

Ninka la dilay oo ahaa wiil aad u da’yar oo 25 jir ah ayaa sida aan xogta ku helnay waxay Alshabaab dileen saaka aroortii xiligii duqeymaha iyo dagaaladu ka socdeeen deegaanada bari ee  Magaalada Mahadaay.

Advertisement

Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Faarax Axmed Xuseen Sabriye ayaa xiliga la dilaayay kaxaynaayay Cagaf-cagafta beeraha lagu falo , waxaana rasaas huwiyay dhalinyaro Alshabaab ah oo ugu soo gashay beertiisa inkastoo warar kale oo aan cadeyn u helin  sheegayaan inay gowraceen.

Ehalada Marxuumka ayaa u sheegay mareegta www.dayniiile.com in wali gacantooda uusan gelin meydka  madaama xaalad dagaal ilaa galabta ay taagan tahay.

Allaha u naxariistee marxuum Faarax waxaa la sheegay inuu yahay Ganacsade dhawaan ka yimid Dalka Sudan isla markaana uu waqtiyadaan danbe ku howlanaa wax soo saarka dhanka beeraha balse saaka ajashiisii halkaasi ku go’day.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here