Dhowr kooxood oo qaarkood aysan isku dano ahayn ayaa u wada taagan sidii ay u fashalin lahaayeen qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah inuu taariikh fiican reebo afartiisa sano.

Advertisement

Qorshaha ugu weyn  ee Madaxweynaha lanbarka koowaad u ah waa inuu waqtigiisa geliyo kuna guuleysto inuu amniga wax weyn ka qabto muda xileedkiisa gaar ahaana uu ka adkaado dagaalamayaasha Al-shabaab.

Haddaba waxaa jira dhowr kooxood oo dhamaantood qorshahoodu yahay inay maji xaabiyaan hadafka Madaxweynaha kuwaasoo aan ku soo koobi karno:-

1-Dagaalamayaasha Al-shabaab

2-Siyaasiyiinta mucaaradka qaarood

3-kooxo waqti xaadirkaan Dowlada ku jira

4-Danaha beesha Caalamka qaarkood

5-Calooshood u shaqeystayaasha baraha Bulshada.

Shantaan Kooxood waxaa ugu qatar badan kooxda lanbar  sedexaad oo ah kuwa hada xiran shaatiga Dowlada ee hadana ku xiran qaar ka mida kuwa kale aan kor ku soo sheegnay.

HADABA MAXAY KA FAA’IIDAYAAN?

  • Kooxda ugu horeysa ee Alshabaab iyagu Dowlad kasta ayay dagaal kula jiraan qofkii doona ha hogaamiyo waxayna ku xiran yihiin kooxda Alqaacida.
  • Kooxda Siyaasiyiinta Mucaaradku qorshahoodu waa inay beri ku kaanbey gareeyaan hebel dan idiinma hayo waqtigana wuu idinka dilay iyo anaa wax qabanaya ee i doorta .
  • Kooxda lanbarka sedexaad iyagu qorshe ama hadaf siyaasadeed malaha intooda badan lacag bay dhaafsanayaan wixii ay haleeyaan.
  • Kooxda Beesha Caalamka hadafkoodu waa inaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed helin nabad iyo kala danbeyn si ay ugu socoto qorshayaashooda guracan ee ay dalka ka fushadaan iyagoo ku soo gabanaya Hay’ado wata magacyo korka ka qurxoon soo jiidashana leh.
  • Kooxda ugu danbeysa waa dhalinyaro iska dhigaysa wariyayaal ama caaqiliin kuwaasoo calooshood u shaqeystayaal ah,kaliyana hadafkoodu waa inay dhaqaale ka sameeyaan ama cid kasta oo iyaga adeegsaneysa madaama dad badan ay ku xiran yihiin bartooda social media.

Laakiin danaha shacabkeena Muslmiinta ayaa ka wada hadaf sareeya kuwaan oo dhan waana inay helaan nabad,dowlad dhaqankooda ka turjunta,isla markaana qofka xilka qabanaaya ciduu doono ha ahaadee aan loo fiirineyn waqtiga  muda xileedkiisa laakiin muhiimadu tahay wax qabadkiisa.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

Previous articleMadaale oo xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Dowlada ugu qaabilsan Maamulka Somaliland
Next articleDowlada Soomaaliya oo tira-koob ku sameysay Al-shabaabka  isasoo dhiibay maalmihii u danbeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here