War ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay tira-koob lagu sameeyay labadii bilood ee u danbeysay xubnaha Alshabaab  iska soo dhiibay isla markaana hada ku jira gacanta Dowlada.

Agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada Mr.C/laahi Maxamed Nuur ayaa TV-ga Dowlada Ka sheegay inay diiwaan geliyeen 107 ruux oo ka mida ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaasoo si iskood ah isu soo dhiibay.

Advertisement

“107 ka mida maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Dowlada laba bilood gudahood waxayna isugu jiraan caruur la hubeeyay ,haween,dhalinyaro iyo waliba hor-joogayaal”ayuu yiri C/laahi Maxamed Nuur oo Dowladii hore ka soo noqday Wasiirka Amniga.

Agaasimaha wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadkaan ay iska soo kala dhiibeen maamulada Jubalaand,Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-galbeed.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

Previous articleDhinacyada doonaya inay fashiliyaan Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mid kasta hadafkiisa
Next articleCiidamadii uu xalay sagootiyay Duqa Muqdisho oo caawa gaaray Deegaanka Nuur-Dugle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here