Hawlgalkaan Oo Ahaa Mid Lagu Baadigoobaayay Haraadiga Kooxda Nabad Iyo Nolaldiidka Ah Ee Argagaxisada Al Shabaab Ayaa Laga Sameeyay Qaar Kamid Ah Degaanada Ku Xeeran Degmada Baladxaawo Xarunta Ganacsiga Gobolka Gedo Amarkeeduna Lahaa Taliyaha Guutada 10-Aad Qeybta 43-Aad Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed G.Sare Cisman Sheikh Cabdi Qorax

Hawlgalkaan Oo Uu Hogaaminaayay Taliyaha Ururka 28-Aad Guutada 10-Aad Qaybta 43-Aad Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed L/XLe Cabdullahi Khaliif Madoobe Ayaa Laga Sameeyay Degaanada Cara-case, Wariiryaale, Ceelasha Qonaale Iyo Kuwo Kaloo Badan

Advertisement

Xili Lagu Jiro Dabayaaqada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Laiskuna Diyaarinaayo Maalmaha Farxada Ciida Ayaa Ciidamada Guutada 10-Aad Qaybta 43-Aad Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed Yoolkooduyahay In Si Farxad Iyo Damashaad Ay Ku Dheehantahay Ay Ku Ciidaan Bulshada Gobolka Gedo Si Cabsi La,aan Ahna Ay Iskugu Hambalyeeyaan Maalmaha Farxada Ciidul-fitriga.

XIGASHO RAADIYAHA CIIDAMADA DOWADA

Previous articleHay-ada Maareynta Masiibooyinka ” 800 kun ruux ayaa laga cabsibqabaa in roobabku saameyn ku yeeshaan
Next articleAgaasimaha cusub ee NISA oo Maanta booqday Xarumaha Hay’ada+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here