MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War goor dhaw ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ayay ku sheegeen roobabka guga ee bilowday laga cabsi qabo inuu mar kale dhibaato ka gaysyo Dalka.

Hay’adu waxay sheegtay in  sida saadasha sheegeyso roobkaani uu wato daadad iyo fatahaado.

Advertisement

Mareeyaha xarunta Qaran ee SoDMA Xasan cabdulqaadir ciise ayaa xusay dhankooda ay  wadaan dedaallo arintaas looga gaashaamanayo.

“saadaashu waxay sheegeysaa in daadadkaan iyo fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameen ku yeshaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof”ayuu yiri Maareeyaha Hay’ada

Mar uu Mareeyahu sharaxaayay ka Hay-ad ahaan qorshayaashooda ayuu xusay inay diyariyeen  51 Domood oo hadii ay dhacaan fatahaadaha iyo daadadka dadka lagu badbaadiyo.

Doomankaan ayuu sheegay inay u kala qeybsheen Magaalooyinka Maamulada Juballand,Koonfur-galbedd iyo Hirshabelle.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxkamda Maamulka SSC Khaatumo oo Xukun dil ah ku fulisay nin hore dil u geystay
Next articleMuxuu salka ku hayaa Howlgalka Milatarigu ka wadaan Geddo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here