Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markuu tagay Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan wuxuu halkaasi ka wadaa wada-hadalo uu la leeyahay qaar ka mida siyaasiyiinta Reer Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah wuxuu wada-hadalo ula yeeshay siyaasiyiin ùu ka mid yahay Cali Jeyte Cusmaan oo dhawaan Dowladu ka qaaday Xilkii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan taasoo uu ka carooday.
Qorshaha Madaxweyne Xasan oo ahaa inuu reer Hiiraan ka helo taageero weyn oo ku aadan wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in is faham daro ay ka dhex jirto labada dhinac.
Xog aan ka helnay Magaalada Maxaas ayaa sheegeysa in siyaasiyiinta reer Hiiraan shuruudo hor dhigeen Madaxweynaha si ay Dowlada ula shaqeeyaan waxaana ka mida in Madaxweynuhu xilal siiyo reer Hiiraan.
Sidoo kale Reer Hiiraan rabitaankooda waxaa ka mida in siyaasiga Cali Jeyte Dowladu la shaqeyso oo xil loo dhiibo,sidoo kale Dowlada waxaa laga dalbaday inay maalgeliso maleeahiyaadka macawisleyda kuwa ku heybta ah Cali Jeyte.
Lama oga sida Madaxda Dowladu u maareeyn doonaan dar dar galinta dagaalka Alshabaab iyo qancinta dadka reer Hiiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleNeymar oo ku andacoonaya in isaga iyo Lionel Messi ay ‘ku noolayeen cadaabta’ markii ay ku sugnaayeen PSG
Next articleJen.Tuur-yarre oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Wasiirka Gaashaandhiga Somalia iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here