Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ineysan ka barakicin guryahooda.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay wado qorshe fursadaha dowliga ah lagu gaarsiinayo deegaanada laga saaray Al-shabaab iyo kuwa haatan laga xureyn rabo oo ay ku wajahan yihiin ciidanka dowladda.

Advertisement

“Waxa idiin soo socda waa dowladiina oo daryeelkiina ayay idiin wataa, anaga ayaa soo socona oo idiin imaaneyno, waxaa rabnaa in guryihiina aad joogtaan oo aan la cararin cadawga mudada idin heystay, Nimankaas way u dhamaatay ee ka hara, horumar, Waxbarasho iyo fursado kala duwan ayaa idiin soo socda” ayuu yiri ” Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku boggaadiyay ciidanka xoogga dalka howlgalada ay dalka kaga xureynayaan kooxda Al-shabaab, isagoona ka dalbaday ciidamada iney sii kordhiyaan howlgalada ay ka wadaan deegaanada Galmudug iyo guud ahaan gobolada dalka.

Hadalka Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka ku doonayaan in Shabaab ay kaga saaraan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo gabagabo u noqon doono soo afjarida wajiga koowaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Previous articleWar deg deg ah Dagaalo toos oo magaalada Muqdisho ka dhacay xaaladana wali cakiran tahay
Next articleDagaal goos-goos ah oo ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here