Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yeman ayaa gubay markab Ganacsi oo lagu magacaabo  Marlin Luanda  kaasoo maraayay badda gacanka cadmedd ee Dalka Yemen.

Markabkaan oo ahaa nuuca shidaalka qaada ayay xuutiyiintu la heleen gantaal taasoo keentay inuu dab qabsado kadibna uu gabi ahaantiis ku faafo.

Advertisement

Shaqaalaha markabka waxaa la sheegay inay bad qabaan dhamaantood.

Gantaalka ku dhacay markabka wuxuu  keenay in dab ka dhasho mid ka mid ah haamaha xamuulka ee markabka sida uu cadeeyay mid ka mida howlwadeenada Markabka

in markabka xamuulka uu haleelay gantaal nuuca ballistic-ga ah

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykankana ayaa la sheegay in ay usoo gurmaday markabka la weeraray.

Saraakiisha Mareykanka ee ka howlgala badda cas ayaa xaqiijiyay jiritaanka weeraraka xuutiyiinta waxayna xuseen in markabka xamuulka uu haleelay gantaal nuuca ballistic-ga ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleNabadoon Beeleed oo xilka looga qaaday la dagaalanka Alshabaab
Next articleMaalintaana waan joogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here